Saturday, August 2, 2025

Taliye ka tirsan Ciidamada NISA oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay toogasho ku dileen taliye ka tirsan ciidamada NISA  ee ka howlgala duleedka Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegay inay fal khaarijin ah ku dilaan Taliyihii NISA ee degaanka Ceelaha Biyaha Col. Mustaf Beerdilaacshe, kadib markii koox hubeysan oo weerar qorsheysan u dhigtay Gaari nooca raaxada ah oo uu la socday.

Wararka ayaa sheegaya in Taliye Beerdilaacshe iyo nin ilaalo ah oo la socday lagu weerarray gaarigii ay la socdeen oo markii danbe ay qaateen kooxdii weerarka ku qaaday. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Taliyaha, iyadoo ay baahiyeen warbaahinta Alshabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan dilkan sarkaalkan loo geystay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON