Thursday, June 26, 2025

Taliye ka tirsanaa Ciidamada Booliska Puntland oo Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in caawa halkaasi lagu dilay taliyihii hore ee ciidamada Birmadka Gobolka Mudug, kadib markii koox hubeysan ay toogasho ku dileen.

Dilka Taliyaha C/rashiid Xassan Xaashi (Gabi Gabi) ayaa waxaa ka danbeeyay rag hubeysan oo beegsaday xilli uu kasoo baxday Masjid ku yalla Xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland kataliso salaadii Maqrib kadib, waxaana goobta ka baxsaday raggii weerarka fulyey.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay iyagoo baaritaan halkaasi ka wada, waxayna wararku sheegayaan in xaaladda magaalada Gaalkacyo ay caawa kacsan tahay iyadoo ciidamo badan halkaasi la geeyay.

Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ayay dilalka hubeysan iyo qaraxyada ka dhacaanm inkastoo ay xaaladeeda soo hagaagtay markii loo sameeyay ciidamo wadajir ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON