Sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaan (Koofiyad-Casta) ayaa la sheegay inuu ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay Maqaayadda Blue Sky ee u dhow Barta Xaawo-taako ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Seydoow Sheikh Abukar oo ka mida saraakiisha ciidamada Madaxtooyada ayaa ehelkiisu xaqiijiyeen inuu ku geeriyooday qaraxii galabta oo uu geystay qof isku xiray waxyaabaha qarxa. Waxaana uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo garay qaraxaasi.
Taliye Seydoow ayey dadkii lasoo shaqeeyay ku tilmaameen inuu ahaa nin diinta ku fiican oo shaqo yaqaan ah, isagoo ahaa Taliyaha hoyga madaxweyneyaasha dalka ee gudaha Madaxtooyada, wuxuuna lasoo shaqeeyay saddexda Madaxweyne ee Shariif Sheekh Axmed, Xasan sheekh Maxamuud iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu sarkaalka geeriyooday ka mid ahaa saraakiil dhowaan shaqo joojin lagu sameeyay ee madaxtooyada ay ka qaaday xilalka xilligan xaaladda kala guurka ah lagu jiro.

Marxuumka ayaa waxaa tacsi u diray saraakiil iyo dad kala duwan, iyadoo aanay weli ka hadlin Madaxda dowladda iyo Madaxtooyada Soomaaliya.