Wednesday, June 25, 2025

Taliyeyaal ka tirsanaa Qeybaha Booliska G/Banaadir iyo Degmooyinka oo xilalkii laga qaaday

Taliska ciidamada Booliska ayaa isku shaandheyn ku sameeyay taliyeyaasha qeybaha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo isbedelkaasi ku soo beegmay qaraxyadii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliyeyaasha uu saameeyay isbedealka waxaa ka mida taliyeyaasha Qeybta Galbeed, Waliyow Cadde, Qeybta Barri iyo Bartamaha. iyadoo taliyeyaasha loo magacaabay afarta qeybood ay kala yihiin Yuusuuf Xundubey, Taliye Sonkor, Taliye Carabeey iyo taliye Khaliif Ilka Casse.

Waxaa kaloo taliyeyaal cusub loo magacaabay Saldhigyadda Degmooyinka Yaaqshiid, Dharkiinley, Hawlwadaag iyo Heliwaa. Taliyihii Saldhiga Degmada Heliwaa Khaliif Ilka-case oo xilkaasi laga qaaday ayaa loo dalacsiiyay inuu noqdo Taliye qayb ka tirsan Ciidamada Booliska.

Isbedello joogto ahaa lagu sameeyaan taliyeyaasha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir iyadoo aysan taasi wax weyn ku soo kordhin xaaladda amniga caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON