Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland Jen. Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa maanta ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay Xilka Madaxweynaha Puntland ee Doorashada dhici doona Janaayo 2019.
Jen. Siciid Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Puntland, isagoo sheegay markuu arkay in caddowga Puntland oo daafaha dalka ka soo fidaya uu go’aansaday inuu isu taago musharrax jagada madaxweynanimada Puntland.
Wuxuu ku dooday inuu kamid ahaa raga far ku-tiriska ah ee ka nool asaasayaashii maamulka Puntland, isagoo aan weligiisa dalka ka bixin oo dhib iyo dheefba la qabay shacabkiisa, una taagnaa ilaalinta iyo difaaca Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa si degdeg xilkii uga qaaday musharax, waxaana wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland maanta 28 October 2018 taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland loogu magacaabay Jen. Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen.
Taliyaha la magacaabay ayaa beddelaya Gen Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo xilkan hayay, balse saaka ku dhawaaqay in uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland.