Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee ka sii dareysa magaalada Muqdisho.
Qoraal uu dhigay bartiiosa FB ayuu Tuuryare ku sheegay naan waxba laga qaban karin Amaan xumida ka jirta dalka iyo caasimadda iyadoo aan laga xoroobin Mushaaraadka ay dalalka shisheeye siiyaan ciidamada dalka.
Tuuryare oo intii uu agaasime ka ahaa NISA weerarro waaweyn dhaceen oo an waxba dhaamin kuwa hadda socda ayaa dembi iu yeelay shacabka oo uu sheegay inay ku dhaqmaan fekerka ah “Maxaa iga galay”. Isagoo sheegay in arrintaasi wax badan mas’uul ka tahay amni darrada ka jirta caasimadda.

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA, kadibna noqday la-taliyaha wasiirka Amniga ayaa sheegay in dadka dilalka geysta ay si caadi ah ku dhex mushaaxaan dadweynaha.
Taliye kale oo NISA soo maray Axmed Macalin Fiqi ayaa ku dooday in ammaanka wax laga qaban karo, isagoo qoraal soo dhigay isna boggiisa FB.
Goobjooge.com