Tuesday, July 8, 2025

Taliyihii howlgelinta Ciidamada Booliska oo xilkii laga qaaday & Taliye cusub oo la magacaabay [Akhriso]

Taliyihii hoggaanka howlgelinna cidiamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xilkii laga xayuuniyay iyadoo lagu bedelay taliye cusub oo xilkaasi loo magacaabay.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/xakiin Daahir Saacid ayaa xilkii ka qaaday taliyihii hoggaanka howlgelinta ciidamada Booliska  Jeneraal Maxamed Cumar (Madaale)  oo muddo ka yar lix  bilood xilkaas hayay markii uu dhowaan magacaaabay taliye Saacid.

Waxaa xilka taliyaha hoggaanka howlgelinta Boolisk loo magacaabay  Jeneraal Axmed Dayib Axmed (Dhagacaleen) oo ka mida saraakiisha ciidamada muddooyinkii danbena dadaal u galay inuu noqdo xildhibaan balse aan ku guuleysan.

Tan iyo intii taliyaha Booliska noqday Jen. Saacid ayaa la magacaabay taliyeyaasha hoggaanadaa kuwii ugu badnaa iyadoo xilka laga qaaday kuwo kale, waxaana Taliska Booliska hareeyay xil qaadis iyo magacaabid is daba joog ah.

HOOS KA AKHRI MAGACAABIDDII HORE

Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay Booliska Gobolka Banaadir & Howlgelinta [Akhriso waa kuma..?]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON