Thursday, April 18, 2024

Tarsan oo Abaalmarin u ballanqaaday Qofkii keena Magac loo bixin karo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada [Akhriso]

La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa ceeb iyo fadeexo ku tilmaamay in lix madaxweyne oo Soomaali ah ay shir ka wada qeyb galaan, isagoo soo bandhigay abaalmarin la siinay qofkii magac aan ahayn Madaxweyne u keena madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.

Tarsan oo si weyn u taageera madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku weerarray madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaabkii ay uga qeyb galeen shirkii Brusseles, wuxuuna soo jeediyey in magac kale oo aan madaxweyne ahayn loo raadiyo madaxda maamul goboleedyada.

“Qaranimada Somaaliyeed waxaa ceeb iyo fadeexo ku ah in hal shir ay lix madaxeyne oo Somaali ah ay isugu tagto oo ay ka soo wada horjestaan hal dhan. Lixda madaxweyne oo uu ka dhexeyo hal calan iyo hal dal, waa wax laga yaxyaxo…” ayuu yiri Tarsan oo la-taliye sare u ah Madaxweyne Farmaajo.

Ad

“Waxaan rabaa inaan shacabka Somaaliyeed weydiiyo inaan ka fekerno magac kale oo madaxweyne aan aheyn oo lagu qancin karo madaxweyneyaash Dowlad Goboleedyada iyadoon mansabkooda hoos loo dhigeyn, Qofkii keena magac lagu qancin karo madaxda Dowlad Goboleedka waxuu ku guleysandoona abaal marin…” ayuuna soo bandhigay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON