Monday, June 23, 2025

Tirada Dadka ku dhintay Qarixii Muqdisho oo korortay & Faahfaahin laga helay…

Tirada dadkii ku dhintay qarixii is-miidaaminta aha ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sare u kacay, iyagoo gaaray 17 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 28 kale.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow Isgoyska KM4 oo ah goob mashquul badan oo laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, loona adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo uu waday Is-miidaamiye ayaa sidoo kale dhaliyey burbur weyn, inkastoo taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya ay sheegtay inay fashiiliyeen qaraxaasi.

Agaaismaha Isbitalaka Medina ee magaalada Muqdisho Dr. Maxamed Yuusuf ayaa xaqiijiyay in isbitaalka la geeyay 17 oo meyd ah iyo dhaawacyo ka badan 20 qof, waxaana jira isbitaallo kale oo loo qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaa maanta.

Qaraxan oo ahaa kii ugu weynaa ee muddooyinkan dambe ka dhaca magaalada Muqdisho aya imaanaya iyo dowladda Somalia ay sheegtay inay amniga caasimadda uu si weyn u soo hagaagay, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya dhowaan dalacsiiyey saraakiisha ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo la beegsatay bar koontrool oo ay sheegtay in laga ilaaliyo shisheeyaha iyo Garoonka magaalada Muqdisho.

\ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee magaalada ka dhaca toddobaadyadii dhowaa, ayada oo ay muuqatay inay yaareedaan qaraxyada waa weyn ee magaalada ka dhaca ee dadka badan ay ku dhintaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON