Saturday, June 28, 2025

Tirada dhimashada Qarixii Muqdisho oo ku dhow 300 & Wiil nool 24 saac kadib lasoo badbaadiyay

Qasaaraha dhismashada iyo dhaawaca Qaraxii weynaa ee Muqdisho ayaa hadda ku dhow 300 qof iyadoo dhaawacu  ka badan yahay 400.

Sida ay sheegeen xog aanu ka helnay Guddiga gurmadka ee maanta la sameeyay, dadka ku dhintay qaraxyada ayaa tiradoodu gaartay in ka badan 280 qof iyadoo 435 kale ay dhaawacmeen, waxaana socda howlgalka lagu baadigoobayo dadka maqan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa aasay dad dhan 165 qof oo jirkoodu go’ go’ay lana aqoonsan waayay, waxaana dhibaatada ugu weyni ay noqotay in dadka dhintay ay u badnaayeen dad gubtay oo muuqaalkoodu isbedelay iyo dad jirkoodu kala maqan yahay, kuwaasoo la waayay meel lagu heyn karo.

Dhinaca kale  qof nool ayaa 24 saac kadib qaraxa laga soo badbaadiyay galabta burburka, wuxuuna ahaa qof dhaawac culys qaba laakiin xaaladiisu wanaagsan tahay, waxaana ay tani noqotay arrin ka yaabisay dadkii gurmadka ku jiray.

Muqdisho ayaa ku jirta murugo iyo baroordiiq, iyadoo qasaarihii ugu badnaa uu mar qura geystay qarax aan hore loo arag oo burbur iyo qasaare naf iyo maal leh ka geystay caasimadda.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON