Alshabaab ayaa muddo 2 maalmood gudahood ah magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ka fulisay dilal qorsheysan oo lagu khaariyay ilaa 6 qof oo isugu jira saraakiil ciidamo, Ergay iyo mas’uuliyiin.
Mas’uuliyadda dilka waxaa sheegatay Alshabaab, waxaana xubnaha la dilay ka mida Agaasimihii Maaliyadda iyo maamulka Wasaaradda Shaqada xukuumadda Federaalka, Saraakiil Boolis iyo Ergay ka tirsanaa xubnihii soo xulay Baarlamaanka.
Degmada Dharkeynley waxaa lagu dilay sarkaal darajadiisa lagu sheegay labo xiddigle oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Qulqul oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas ay koox hubeysan ku fureen.
Sidoo kale koox dabley ah ayaa toogasho ku dishay Safiya Abuukar Karaani oo ahayd agaasimihii Maaliyadda ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha. Waxaa lagu dilay agagaarka Isgoyska Dabka, degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay baxsadeen dableydii falkaasi geysatay
Dhinaca kale Qarax lala beegsaday Gaari uu watay Cabdullaahi Cali Kuusow oo ahaa madaxii canshuuraha degmada Dharkeynley ayaa ka dhacay degmada Wadajir, kaasoo keenay inuu dhaawac culus kasoo gaaro, isagoo kadibna u geeriyooday dhaawacaasi.
Degmada Afgooye waxay shalay dabley Alshabaab ah ku dileen Sheekh Nuur Sayid Cali oo la sheegay inuu ka mid ahaa Ergada doorashada Xildhibaannada Baarlamaanka. Dilka Ninkan ayaa ka dhacay Xaafada Baalguri ee degmada Afgooye, markii ay weerarreen dabley bistoolado ku hubeysan.
Magaalada Boosaaso Qarax ka dhacay iyo weerar toos ah waxaa lagu dilay laba sarkaal oo la kala oran jiray Maxamed Baxwal oo ka tirsanaa wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo taliyihii hore ee koontaroolka Boosaaso Kabtan Maxamed Jaamac Guduudane, halka lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Axmed Jaraale.
Alshabaab ayaa si xowli ah u kordhisay falalka dilalka khaarijinta ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo degaanada kale, iyadoo xilligan lagu mashquulsan yahay Doorasho, mana jirto wax War ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga.
Waxa kaloo jira dad shacab ah, askar ka tirsan ciidamada dowlada iyo nabadoonno lagu dilay degaano kala duwan oo ka mida Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
