Dowladda Sacuudiga ayaa shaacisay tirada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan iyo in la qaaday xayiraadii cudurka Covid-19 ee saarneyd dadka gudaha Xajka.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Muqtaar Rooboow Cali ayaa magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya Dr. Tawfiq Al-Rabiah oo ay ka wada hadleen howlaha Xajka ee Sanadka 2023-ka, iyagoo kala saxiixday heshiis ku saabsdan jaangoynta Xujeyda Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa sanadkan loo oggolaaday Sanadkan 11,500 (Kow iyo toban kun iyo shan boqon) oo Xujey ah iyo iyadoo aan wax shuruud ah oo ku saabsan xayiraadihii Corona Virus aan lagu xirenin.
Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddeh, Axmed Maxamuud Diiriye (Macruuf), iyagoo ka qeyb galay marti qaad ballaaran oo loo sameeyay dhammaan Wasiirrada Xajka iyo arrimaha Diinta ee dunida Islaamka.
