Wareegii kooowaad ee codeynta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo gabagaboobay, iyadoo tirinta codka ay bilaabatay.
Wareegga koowaad waxaa ku tartamaya 10 musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha, waxaana isla wareega ku guuleysan kara musharixii hela aqbaliyadda codadka xildhibaannada oo ah 139 iyo wixii ka badan.
Tirinta codadka ayaa waxaa ka muuqata inaysan cidna heli doonin aqbaliyad iyadoo ay isku dhow yihiin saddexda musharax ee Maxamed Mursal C/raxmaan, Ibraahim Isaaq Yarow, iyo C/casiid Laftagareen.
Liiska xildhibaannada Musharixiinta ee xilka u taagan waxay kala yihiin:
Xil. Ibrahim Isaaq Yarow
Xil. Cali Sheekh Mohamed Nur
Xil P rof. Saalim Caliyow Ibrow
Xil. C/caziz Xassan Maxamed
Xil. Shariif Sheekh Maye
Xil. Idiris Cabdi Dhaqtar
Xil. Maxamed Mursal Sheekh C/rahman
Xil. Shariif Maxamed Cabdalla
Xil. Mohamud Moalim Yahya
Xil. Iiman C/llaahi Cali