Sunday, July 13, 2025

Toogasho degdega oo lagu fuliyay Nin si fool xun u dilay Haweeney Ganacsato ahayd

Wararrka laga helay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xukun Dil toogasho degdeg ah lagu fuliyay nin lagu helay inuu ka danbeeyay dilka haweeney ganacsato ahayd oo deyn ku lahayd, kadibna uu ku riday Musqul boosaneer oo gurigiisa ku yaala. 

Maxkamadda Gobolka Bay ayaa dil degdega ku xukuntay ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Goomey, kadib markii uu si ula kac ah u dilay dhibame Aamina Malaaq Mukhtaar, waxaana dilka lagu fuliyey maanta.

Marxuumay Aamina ayaa la waayay galabtii Jimcaha, balse waxaa Axadii meydkeeda laga helay Boosaneer ku yaalla xaafad ku taala Baydhabo, halkaas oo ah meesha lagu dilay ee ninka ay deynta ku lahayd ku shirqoolay.

Dilka ninka dambiga dilka ah lagu helay ayaa ka dhacay meel fagaare ah, waxaana ka qeyb galay boqollaal qof oo ka mida dadka magaalada Baydhabo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON