Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdiyo kala duwan oo ka socda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood hordhac u yihiin madaxda dalalkooda, halka qaar kale ay dalalkooda uga qeyb galayaan caleemo-saarka.
Wasiirka Difaaca dalka Uganda Vincent Bamulangaki Ssempijja ayaa maanta lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana wasiirku uu dalka Uganda iyo madaxweyne Musaveni u metelayaa wafdiga dalkaasi uga qeyb galaya caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa kaloo maanta Muqdisho yimid wafdi ka socda dalalka Masar, Turkiye, Bahrain, Algeria iyo Kenya, waxaana garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay Guddiga arrintan qaabilsan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta C/llaahi Maxamed Nuur.
Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, iyagoo noqday wafdigii ugu horeeyay ee u yimaada caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa la xaqiijiyey inay ka qeyb galayaan caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya oo Khamiista ka dhacaya caasimadda Muqdisho, iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay.
