Tuesday, July 8, 2025

Toogasho ka dhacday Magaalada Boosaaso iyo Sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay Koox hubeysan ay saddex qof ku toogteen magaalada, iyadoo midkood uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada.

Falkan weerarka ah ayaa ka dhacay agagaarka xaruntii Shirkaddii hore ee Netko, magaalada Boosaaso, waxaana isla goobta ku dhintay sarkaalka oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada hoose ee Boosaaso, halka labada qof ee kale ay dhaawac noqdeen, sarkaalka ayaa magaciisa lagu soo gaabiyeyk Kaarshe Hogan-diid, oo hore u soo noqday taliye ku xigeen Kontaroolka magaalada Boosaaso.

Dableyda falka geysatay ayaa la sheegay inay baxsadeen iyadoo xaaladda amniga magaalada markaas ka dib la adkeeyay.

Alshabaab ayaa inta badan sheegata falalka khaarijinta ah ee ka dhaca magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON