Friday, June 27, 2025

Toogasho ka dhacday Muqdisho oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac [Akhri faahfaahinta]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox dabley ay rasaas ku fureen dadweyne ku sugnaa goob xaafad ka mida degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dableydan ayaa al sheegay inay rasaas xoog leh ku fureen dad ku sugnaa Xaaladda Silliga ee safaaradii hore Mareykanka, halkaasoo lagu dilay saddex qof.

Kooxda weerarka geysatay ayaa ku hubeysneyd Bistoolada, waxaana sidoo kale ay dhaawaceen saddex qof oo kale intii aanay goobta ka baxsan.

Dad goobjooge u ahaa falkan ayaa isaga baxsaday goobta waxayna sheegeen inay falkan u muuqday mid loola dan lahaa in dad lagu dilo oo aanay jirin wax ka dambeeya. Dadka dilka loo geystay ayaa ahaa ganacsato Qaadka iibiya.

Dilalka qorsheysan ayaa si weyn u sii kordhay tan iyo intii uu xilka madaxweynaha Soomaaliya la wareegay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana sheegtay kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON