Thursday, April 18, 2024

Toogasho lagu xukumay Ninkii iska dhigay Dhaqtar iyo Gaashaanle Ciidan ee Alshabaabka ahaa

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Dil toogasho ah kju xukuntay Nin ku shaqeysan jiray Dhqatartnimo iyo Sarkaal sare oo ciidan oo lagu helay inuu Alshabaab ka mid ahaa, kana shaqeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed C/nuur Jiirow (Dr. Fanax) ayaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana wuxuu magaalada Muqdisho uga soo shaqeeyay inuu yahay Dhaqtar Neerfaha ah, isla markaana wuxuu mararka qaar xiran jiray Darajada sarkaal oo ah Gaashaanle, isagoo sidoo kalena heystay Aqoonsiga wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka.

Ninkan oo lagu soo eedeeyay inuu Alshabaab ka tirsanaa ilaa sanadkii 2009, isagoo fuliyey kana qeyb qaatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida qarixii Isgoyska Jubba 2019, 2021, weerar ka dhacay Garasbaalley, Qarixii ergadii Doorashada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale.

Ad

Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Maxamed C/nuur Jiirow ayaa muuqaal ay baahisay Maxkamadda ciidamada ku qirtay inu Alshabaab ka mid ahaa, isagoo lagu xukumay Dil toogasho ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON