Tooagasho nooc cusub ah ayaa galabta dhacday duleedka Muqdisho, kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo dabley ka tirsan kooxda Alshabaab.
Falkan ayaa ka dhacay degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, wuxuuna ka bilowday nin lagu tuhunsan yahay Alshgabaab oo bistoolad ku hubeysnaa kaasoo rasaas ku furay askari ciidamada dowlada oo aaggaasi ku sugnaa.
Askariga ayaa rasaas ku jawaabay kadib markii ay ilaa saddex xabbadood ku dhaceen, waxaana rasaastii uu furay ay haleeshay ninkii dableyda ahaa, basle askariga ayaa daqiiqado yar kadib geeriyooday.
Dableydii Alshabaabka ahaa ee dhaawaca soo gaaray ayaa iska waqti yar kadib u dhintay dahawaca markii uu dhiig baxay, taasoo dadkii goobtaasi ka dhowaa ka yaabisay, waxaana Meydaaooda dhigay Laamiga , halkaasoo ciidamada ammaanka ay gaareen, iyagoo xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Falkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee muddooyinkan dhaca, kaasoo askari la khaarijiyay uu sababo inuu isna toogasho ku dilo dableygii dilay.