Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hadda khudbad ka jeedinaya furitaanka kalfadihiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.
Baarlamaanka Jubbaland ee doortay Axmed Madoobe Bishii Ogost 2019 ayaa maanta la furayaa kalfadhigiisii labaad iyadoo uu hareeyay khilaaf ku saabsan dib u doorashadii Axmed Madoobe oo ay sharci darro ku tilmaantay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa lagu wadaa inuu Axmed Madoobe ka hadlo xaalada Jubbaland oo mareysa meel adag iyadoo xiisad colaad ka dhex taagan tahay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taabacsan maamulka Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo.
HOOS KA DAAWO