Monday, June 23, 2025

Trump oo ku jeesjeesay Boqorka Sacuudiga: “Laba toddobaad xukunka ma heyn kartid, Mareykanka la’aantiis”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Boqorka Sacuudiga iyo Boqortooyada Dalkaasi, kadib khudbooyin kulul oo uu ka jeediyay isu soo baxyo ka dhacay gobollada Mareykanka.

Donald Trump khubadiisii ugu horeeyay ku sheegay in dalalka hantida leh sida Sacuudiga, Japan iyo South Kore uu Mareykanka ilaaliyo, taas bedelkeena aysan waxba bixin, wuxuuna intaas ku daray in dalalkaasi laga doonayo inay dhaqaale bixiyaan haddii ay rabaan ilaalada Mareykanka.

Weerarkii labaad ee afka ah oo ay dad badan u qaateen aflagaado ayuu Madaxweyne Trump ku qaaday maanta boqorka Sacuudiga, isagoo  sheegay inuu telefoonka kula hadlay Boqorka Sacuudiga, isla markaana uu u sheegay in Mareynkanka la’aantiis aanu talada heyn karin laba toddobaad.

“Waxaan ilaalinaa Boqortooyada Sacuudiga oo ah dal hodon ah, waan jeclahay Boqorka Sacuudiga, waan la hadlay, waxaan ku iri: Waa  inuu lacag iska bixiso kharashka ciidamada, laba toddobaad xukunka ma heyn karo ilaalada ciidamada Mareykanka la’aantood..” ayuu yiri Donald Trump oo la hadlayey dad isugu soo baxay gobolka Mississippi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON