Friday, April 19, 2024

Trump oo saacadihii ugu danbeeyay xukunkiisa Cafis u fidiyey 73 qof oo saaxiibadiis ah, kana tegay Aqalka Cad

Madaxweynaha ay saacadaha kooban uga hareen xukunkiisa ee Mareykanka Donald Trump ayaa saacado ka hor marka uu xilka ka degayo soo saaray cafis uu u fidinayo 73 qof oo saaxiibo la ahaa.

Dadkan ayaa ku eedeysnaa dembiyo kala duwan, waxaana ka mida ninkii dhaqaale ururinta u qaabilsanaa, La-taliyihiisii iyo heesaa caan ah, laakiin wuxuu Donald Trump la maagay inuu cafis u fidiyo naftiisa iyo xubnaha qoyskiisa markii ay xaalad adag kasoo wajahday.

Dadka cafiska loo fidiyey waxaa ka mida: Steve Bannon oo ah kaaliyihii hore ee Donald Trump oo lagu helay musuq iyo is-daba marin lacag loo ururiyey dhismaha Derbiga xuduudka Mareykanka iyo Mexico.

Ad

Waxaa kaloo ka mida duqii hore ee degaanka Kwame Kilpatrick gobolka Detroit, oo ku xukunnaa 28-sano oo xarig ah markii lagu helay musuq, iyo heesaaga caanka ah ee Kodak Black oo lagu helay hub sharci darro ah 4 sano oo xabsi ahna ku jiray, heesaaga kale ee Lil Wayne iyo xubno kale.

Trump ayaa raadinayey inuu naftiisa cafis u fidiyo iyo weliba caruurtiisa si aan denbi loogu soo raacan, laakiin arrintaasi waxay ku adkaatay markii sharci -yaqaannada la taliya ay u sheegeen in inta aanu is-cafin ama caruurtiisa cafis u fidin in la caddeeyo dembiga ay galeen.

Donald Trump ayaa galabta xilliga Muqdisho ka tegaya Aqalka cad markii uu dhammeystay muddo 4 sanadood ah oo uu ka talinayey Mareykanka, waxayna warbaahinta Mareykanka ku macsalaameysay inuu ahaa: MADAXWEYNIHII UGU XUMAA ee dalkaasi soo mara.

- Advertisement -

Khudbad macsalaameyn ah oo uu xalay jeediyey ayuu Trump ku sharxay waxqabadkiisii, wuxuuna maamulka cusub u rajeeyay inuu guuleysto, isagoo aan marna soo hadal qaadin Madaxweynaha la doortay ee Jeo Biden. Wuxuu diiday inuu aqbalo in looga adkaaday doorashada iyo inuu ka qeyb galo caleemo saarka Madaxweynaha cusub.

Jeo Biden ayaa Galabta lagu dhaarin doonaa xarunta Koongareeska Mareykanka, isagoo isla markaasi xilka la wareegi doona, soona saari doono wareegtooyin lagu burrinayo sharciyo uu hore u soo saaray Trump.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON