Madaxweynaha Mareykanka Doland Trump ayaa sheegay inuu khadka Telefoonka kula hadlay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isla markaana dalkiisu u baahan yahay mishiinada bukaanada cudurka Covid-19 ka caawiya neefsahada.
“Waxaan iminka la hadlay Ra’iisal wasaaraha Abiy Ahmed Cali-ga Itoobiya. Dalkiisu wuxuu u baahan yahay ‘Ventilators’ Mareykankuna wuxuu ku sugan yahay xaalad wanaagsan oo aan ku caawin karo; waanan sameyn doonnaa..” ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaarha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhinaciisa sheegay inuu xiriir Telefoon oo dhiirigelin leh uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka oo dib ugu xaqiijiyey inuu sii wadayo taageerada Mareykanku siiyo Itoobiya.
Abiy Ahmed wuxuu bogaadiyey taageerada Mareykanku ka geysanayo ka hortagga iyo daweynta cudurka Covid-19 iyo waliba dagaalka lagula jiro Ayaxa.