Thursday, March 28, 2024

Turkiga iyo Azerbaijan oo looga dabaaldegay Jabkii Armenia (Heshiis Armenia isku dhiibtay oo la saxiixay)

Waxaa maanta lagu dhawaaqay heshiis ay gaareen dalalka Armenia, Azerbaijan iyo Russia oo lagu dhammeynayo dagaalka lixda toddobaad ka dhex socday dalalkaasi, kadib markii ay jabtay Armenia oo inta badan laga qabsaday Golkii ay heysatay ee Nagorno-Karabakh.

Heshiiskan oo Ruushku kasoo shaqeeyay ayaa lagu saxiixay magaalada Moscow, waxaana Ra’iisal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan uu ku tilmaamay heshiin xanuun badan oo ay Armenia ku qasbanaatay, kadib farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook. Wuxuu intaasi ku dara inuusan heysan wado kale oo u furan oo aan ahayn heshiiska, markii qiimeyn lagu smeeyay xaaladda milateri ee dalkiisa iyo dagaalka.

Heshiiska Dagaalka ayaa dhaqangalkiisu bilowday maanta, isagoo soo afjari doona dagaalkii bilowday 27-kii September oo ay ku dhinteen in ka badan 1000 qof. Heshiiska Waxaa ilaalinaya ciidamo ka socdo dalka Ruushka oo isla maanta lagu daadgureynayo halkaasi.

Ad

Heshiiska waxaa xaqijiyey Madaxweynaha Azerbaijan iyo madaxda Ruushka. Wuxuuna yimid makii ay ciidamada Azerbaijan ay qabsadeen magaalada labaad ee ug weyn Gobolkaasi ee Shusha iyo tobabaan Tuulo oo ku dhow, ayna qarka u saarmeen caasimadda Karabakh.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa Telefishanka dalkiisa kala hadlay shacabka dalkaasi, wuxuuna sheegay in heshiiska uu ka dhigan yahay inay is dhiibtay Armenia, lana soo afjaray 30-kii sano ee ay heysatay Gobolka Negorno-Karbakh, ayna heshiiskan ku ogolaadeen markii ay ku jabeen dagaalka.

“Hore ayaan ugu sheegnay inaan sida Eeyaha uga eryi doonno dhulkeena, wayna dhacday” ayuu yiri Madaxweyne Azerbaijan oo Ra’iisal wasaaraha Armeni ku tilmaamay fuley awoodi waayey inuu heshiiska ku saxiixo warbaahinta horteeda.

- Advertisement -

Heshiiska ay gaareen dalalka Armenia, Azerbaijan iyo Russia ay Azerbaijan kula soo noqon doonto saddex degaan oo Armenia heysato agagaarka Karabakh.

Heshiiska ayaa looga dabaaldegay magaalooyinka dalalka Azerbaijan iyo Turkiga, halka Magaalada Yerevan ee caasimadda Armenia ay isugu soo baxeen dadweyne careysan oo ku baaqaya inuu is casilo ra’iisal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON