Tuesday, June 24, 2025

Turkiga oo dalbaday inuu Sacuudiga u soo gacan geliso 18-kii Qof ee ka danbeeyay dilka Jamal Kashoqgi

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay diyaarineyso dalab ku socda Boqortooyada Sacuudiga, oo ku saabsan 18 qof ee ku eedeysan dilka saxafiga ee Jamal Kashoqgi 2-dii bishan lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Xeer ilaaliyaha guud ee Turkiga ayaa diyaariyey dalabka dowladda Turkiga ku dalbaneyso in loogu soo gacan geliyo 18-ka qof ee qorsheeyay, dalkeena ka fuliyey dilka saxafiga Jamal Kashoqgi, si baaritaan loogu sameeyo, laguna maxkamadeeyo gudaha Turkiga oo dembiga ka dhacay.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii madaxweynaha Turkiga Erdogan uu  shaaciyey in Xeer ilaaliyaha Sacuudiga uu Axadda tegi doono dalka Turkiga si uu qeyb uga noqdo wada shaqeynta labada dal ee kiiska dilka saxafiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in xog badan ay hayaan, balse ay xilligooda soo bandhigi doonaan, wuxuuna Sacuudiga ugu baaqay inay caddeeyaan halka lagu qariyey meydka Saxafiga ama ay u soo gudbiyaan dadkii ka dambeeyay si ay maxkamad ugu soo saaraan dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa su’aalo gaaraya 7 u jeediyay boqortooyada Sacuudiga inay ka soo jawaabaan, isagoo ku goodiyey inuu soo bandhigi doonaan xogta ay hayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON