Sunday, June 22, 2025

Turkiga oo duqeeyey 40 Saldhig oo Ciidamada Syria leeyihiin & Tirada askarta laga dilay Turkiga oo korortay.

Iyadoo xiisad colaadeed ay ka dhex oogantay dalalka Turkiga iyo Syria, kadib markii ciidamada Syria ay duqeyn ku dileen ciidamo ka tirsan Turkiga oo galay Gobolka Idlib ee Waqooyiga Galbeed ee dalkaasi.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku eedeysan ciidamada Syria inay duqeeyeen aaggii ay ku sugnaayeen ciidamada Turkiga iyagoo lagu wargeliyey, waxaana tirada askarta Turkiga ee duqeynta madaafiicda ciidamada Syria ay gaartay 5 askari iyo qof shacab ah oo la socday, waxaana ku dhaawacmay 9 askari oo kale.

Turkiga ayaa jawaab culus ka bixiyey askarta laga dilay, wuxuuna duqeyn cirka iyo dhulka leh ku ekeeyay ilaa 40 saldhig oo ciidamada Syria leeyihiin oo qaarkood la burburiyey, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Syria.

Ad

Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Syria ee ku dhow agagaarka 12-ka goobood ee ay ka sameeyeen xarumo ilaalo ah si loo joojiyo weerarka ciidamada dowladda Syria ay beegsan doonaan, ayna ciidamadooda u yihiin bartilmaameedyo.

Ruushaka oo gacan siiya dowladda Syria ayaa sheegay in ciidamada Turkiga ay aagga Idlib soo galeen iyagoo aan laga warqabin, waxayna wasaaradda Difaaca Ruushka ay shaacisay in wax duqeyn ah oo diyaaradeed aanay Turkigu ku qaadin Idlib.

Wakaalada wararka Syria ayaa dhinaceeda sheegtay in duqeynta Turkiga aysan wax qasaare ah kasoo gaarin ciidamada dalkaasi, inkastoo madaxweynaha Turkiga uu hore u sheegay in ilaa 35 askari lagu dilay jawaabta ay ka bixiyeen duqeynta ciidamada Syria.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON