Wednesday, July 16, 2025

Turkiga oo ku biiray dalalka Canshuurta Aar-gudashada ah ku soo rogay Badeecadaha uga yimaada Mareykanka

Dowldda Turkey ayaa ku dhawaaqday in canshuur dhan 1.8 bilyan oo dollar ku soo rogtay adeecadaha lagu soo sameeyo Mareykanka ee dalkeeda loo iib geeyo, taasoo looga aargudanayo canshuurta madaxweyne Trump uu saaray biraha iyo alumuuniyaamta ka yimaada dalalka Dibadda ay ku jirto Turkiga.

Wasiirka dhaqaalaha Turkiga Nihat Zeybekci ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Turkiga uusan ogolaan doonin in si qaldan loogu eedeeyo caqabadaha dhaqaale ee Mareykanka isagoo yiri: “Anaga waxaan qeyb ka nahay xalka ee ka mid nihin dhibaatada.”

Ururka ganacsiga adduunka ee WTO ayaa sheegay in canshuuraha cusub ay 266.5 milyan oo dollar kasoo xareyn doonaan alaabo ay ka mid yihiin baabuurta, dhuxusha, waraaqaha, bariiska iyo tubakaada.

Arbacadii, Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu diyaariyey liiska badeecadaha Mareykanka ah oo ay billaabi doonaan inay kusoo rogaan canshuur 25% ah marka dalalka ururkaas ay yimaadaan.

Tallaabadan ayaa horseedi karta dagaal ganacsi oo buuxa, hadii Trump uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa ah inuu canshuur dheeri ah saarayo baabuurta Yurub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON