Tuesday, June 24, 2025

Turkiga oo uga digay Mareykanka inuu ururka Ikhwaanul Muslimiin ku daro liiska argagixisada.

Dowladda Turkiga ayaa uga digay Mareykanka inuu liiska argagixisada ku daro ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ka jira dalal badan oo muslim ah, kana mida xisbiyada siyasadeed ee dalalkaasi.

Afhayeenka xisbiga AK party ee dalka Turkiga Cumar Celik ayaa sheegay in qorshaha uu Aqalka Cad ee Maraykanka liiska argagixisada ugu darayo Akhwaanul Muslimiin ay dhaawici doonto dimuqraaddiyadda Bariga dhexe iyo dalalka islaamka, iyadoo ay ka faa’iidaysan doonaan kooxaha xagjirka ah iyo sida ISIS iyo Alqaacida.

Afhayeenka xisbiga talada haya ee dalka Turkiga wuxuu uga digay Mareykanka inuu ku dhaqaaqo tallaabadaasi, iyadoo hore looga xigtay Sarah Sanders oo ah afhayeenka Aqalka Cad n madaxweyne Trump uu qorsheynayo sidii liiska argagixisiada loogu dari lahaa ururka Akhwaanul Muslimiin

Akhwaanka ayaa xiriir fiican la leh xisbiga AK Party ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Turkiga, waxaana Turkiga ku nool hogaamiyeyaasha ugu badan ee Akhwaanka oo laga mamnuucay dalka Masar sannadkii 2013kii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON