Baraha bulshada ee caank ah sida Twitter iyo Facebook ayaa meesha ka saaray farriimo uu soo dhigay Donald Trump, iyagoo xayiraad kusoo rogay saacado inuu wax farriin ah soo dhigo barahaasi.
Trump ayaa laga joojiyey muddo 12 saacadood ah isticmaalka Twitter-ka, kaddib markii uu qoraallo uu soo dhigay loo arkay kuwo kicinaya qallaalase xilli ay taageerayaashiisa weerarren dhismaha Aqalka Koongareeska ee US Capitol.
Madaxweyne Trump ayaa farriintisii ugu danbeysay oo muuqala ah ku yiri “Waan idiin jeclahay.. waan dareemayaa xanuunka idin haya”, kadibna wuxuu ugu baaqay inay guryahooda aadaan. Wuxuu sidoo kale ku celceliyay sheegashooyin been ah oo ku saabsan in lagu shubtay doorashada.
Maamulka Twitter-ka ayaa Bogga Trump ka dalbaday in laga saaro saddex qoraal oo uu soo dhigay, kuwaasoo sida uu sheegay meel ka dhac ku ahaa shuruucda iyo siyaasadda shirkadda. Shikradda ayaa sheegtay in Barta Trump sii xirnaan doonto haddii aanan laga tirin qoraalladaas.
Waxay ku hanjabtay shirkadda Twitter in haddii mar kale ay sii socdaan jebinta shuruucda Twitter-ka… ay taasi sababi doonto in gebi ahaanba la joojiyo barta @realDonaldTrump in ku dhow 80 milyan qof u xiran yihiin.
Dhanka kale, Facebook ayaa muddo 24 saacadood ah xanninay akoonka Mr Trump. YouTube ayaa sidoo kale tiray muuqaalka. Facebook qoraal ku yiri: “Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso ee aysan reebeynin qalalaasaha socda.”
Taageerayaashiisa ayaa galay xarunta Kongareeska waxayna isku dhaceen booliiska, taas oo sababtay dhimashada hal haweeney ah. Trump ayaa ku adkeysanaya in doorashada looga shubtay wuxuuana abaabulay bannaanbaxo rabshado dhaliyey.
