Tuesday, June 24, 2025

Ugaas Max’ud Cali : “Waa dulmi in G/Banadir 7 xubnood oo 4.5 lagu qeybinayo laga siiyo Aqalka Sare”

Ugaaska Beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa dulmi iyo ihaano ku tilmaamay wararka sheegaya in Gobolka Banaadir loo qoondeeyay inu 7 xubnood ku yeesho Aqalka sare, sida ay soo jeediyeen Gudiga labada Aqal ee loo diray dhammeystirka xeerarka Doorashada.

Ugaaska oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay tahay gef in nidaamka 4.5 lagu bixiyo kuraasta loo qoondeeyay Gobolka Banaadir, isla markaana aysan yeeli doonin Dadka uu matalo.

”Wararka sheegaya in 7 xubnood laga siiyey ama laga siin doono Aqalka Sare Gobolka Banaadir kadibna loo qeybsan doono 4.5 waa dulmi, waa ihaano loo geysanayo saddex-da Milyan ee ku nool ee Gobolka Banaadir oo codkoodana ku hadlayo ma u hadlayo muxaafad, mucaarad ama qabiil” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugaaska oo farriin u diray madaxda dowladda Federaalka ayaa yiri: ”Arintaas ma aqbaleyno dowladda waxaan leennahay howlo kale ayaa idiin yaalla howlihiinna kale ku mashquula, waqti kooban ayaa idiin haray doorashada iyo in waqtigeeda lagu qabtana waa idiin taallaa”

Muran badan ayaa ka dhashay talo soo jeedinta Guddiga Dhammeystirka xeerarka Doorashada labada Aqal oo qeyb ka warbixintooda ee quseysa metalaadda Gobolka Banaadir baraha bulshada ay faafisay inta aan la horgeyn Baarlamaanka oo furmaya toddobaadka soo socda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON