Thursday, July 17, 2025

Ugaaska Beesha Xawaadle oo lagu daray Liiska Odayaasha 135 ee Rasmiga ah [Akhri Go’aanka Madasha]

Madasha Qaran ee wadatashiga ayaa ansixisay in Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ka mid noqdo Odayaasha rasmiga ah ee Beelaha Soomaaliyeed.

ugaas-xawaadle

Ugaaska oo hore aan loogu soo darin odayaasha diiwaan gashan ee 135-ka oday ah shirkoodii Baydhaba, ayaa shirkii Mqudisho ee 6-12 September 2016 lagu ansixiyay in Ugaaska cusub lagu daro odayaasha rasmiga ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay qeylo dhaan iyo dood weyn oo ka dhalatay go’aankii madasha ee shirkii Baydhaba, waxayna madashu ku dooday in Ugaas Xasan aanu markaasi si rasmi ah loo caleemo saarin.

Ugaaska Beesha Xawaalde Ugaas Xasan ayaa ah duub ka duwan duubabka kale ee Soomaalida, waana oday hal adag oo si weyn uga horjeeda dowladda Federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

HOOS KA AKHRI GO’AANKA MADASHA EE UGAAS XASAN

  • Madashu waxay ansixisay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble yahay duubka Beesha Xawaadle uga jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135 ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON