Shirkadda Diyaaradda Uganda Airlines ayaa maanta si rasmi ah Duulimaad uga bilowdayaroonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo ku soo biirtay shirkadaha diyaaradaha ee tooska u tegaya caasimadda Somalia.
Munaasabad lagu daahfurayo duulimaadka shirkadda Uganda Airlines ayaa maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan ee Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo dhoweeyay duulimaadkii ugu horeysay ee shirkadddan, waxaana ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo wakiilada Beesha caalamka ee Muqdisho jooga.
Diyaaradda Uganda Airlines ayaa Muqdisho ku imaan doonta duulimaad toos ah oo isaga gooshi doonta Garoomada Enteppe ee duleedka Kampala iyo Aden Cadde, magaalada Muqdisho, waxayna toddobaadkii 4 jeer u kala socon doontaa labada magaalo.
Waxa munaasabadda ka hadlay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, safiiro iyo wakiilada beesha caalamka, iyagoo si diiran u soo dhoweeyay duulimaadka toos ah ee Muqdisho iyo Kampala oo faaiido weyn ugu jirta labada dal iyo dadka u kala socda labada caasimadood oo isugu jira ganacsato, arday iyo kuwo kale.




