Urur siyaasadeedka Mideeya ee ka dhisay Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Doorashada 2020/2021 ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo saddex maamul Goboleed kala saxiixdeen.
Qoraal oo kasoo baxay ururka Mideeye ayaa lagu sheegay in Heshiiska uu yahay tallaabo wax ku ool ah oo hore loogu qaaday Doorashada Soomaaliyeed ee 2020/2021, wuxuuna dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dadaalada loogu jiro xal u helida Arrimaha Doorashada soo socota ee dalka.
Ururka Mideeye wuxuu u mahadceliyey dowlad goboleedka Galmudug oo fidiyey gogosha shirarkii kala dambeeyey ee Dhuusamareeb 1/2/3.
