Waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka, wuxuuna siyaasadda kasoo galay dhinaca saxaafadda.
Waa Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) wuxuu socdaalkiisa siyaasadeed ee figta sare geeyay kasoo bilaabay xiligii abaaraha Soomaaliya ka dilaaceen ee 1992 isagoo u soo shaqeeyay hay’adda Care international.
Kadib wuxuu muddo ka dib u wareegay dhinaca saxaafadda isagoo ka howlgalay hay;ado ay ka mid yihiin qeybta Warqabadka BBC-da, laakiin goobta uu ka aflaxay waxay ahayd telefishanka Aljazeera oo uu madax ka ahaa xafiiskiisa Muqdisho oo muddo ku dhow 5 sano uu gacanta ku hayay.

Siyaasadda ayuu cagta la helay, wuxuuna ku biiray dowladii Shariif Sheekh Axmed oo madaxa Madaxtooyada Soomaaliya uu noqday, waxaana la sheegaan in Aljazeera iyo madaxtooyada uu si weyn uga helay dhaqaalaha uu kadib ku maalgashaday saxaafadda.
Anshir Bukhaari wuxuu sameeyay warbaahinta Goobjoog oo hadda ka kooban xayn idaacado FM ah iyo TV, isagoo iibsaday idaacaddii ciyaaraha ee magaalada Muqdisho Gool FM.
Wuxuu noqday senatorkii ugu horeeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Soomaaliya iyadoo kursiga uu ku soo baxay uu taariikhda ku galay inuu ahaa kursiga dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyay.
Wuxuu dhowaan shaaciyay inuu iska casilay maamulka Shirkadiisa warbaahinta ee Goobjoog Media si aysan taasi uga hor imaan xilka uu qabtay ee xildhibaannimo.
Shalay oo taariikhdu ahayd 22 Janaayo 2017 waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Senator Abshir Bukhaari wuxuu ka mid yahay kooxda Aalas-sheekh ee dhinaca siyaasadda ku lugta leh, waxaana mas’uulkii ugu horeeyay ee kooxdaasi ka tirsan oo xil sare qabta kadib sanadkii 2012 oo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed laga adkaaday.
Taariikhda Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqalka Sare
Waxaa uu dhashay June 1970-kii, waxaa uu ku dhashay Xarardheere.
Shaqooyinka uu soo qabtay.
1991-1992: Care International
1996-1998: Hey’adda AMA
1999: BBC Monitoring
2004-2006: Hey’adda CRD, isku duwaha barnaamijyada
2006-2010: Telefishanka Caanka ah ee Al-Jazeera Network
2010-2011: Agaasime Madaxtooyada Soomaaliya
October 15, 2016: Waxaa uu Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) noqdey senator-kii ugu horeeyay ee la doorto.
Goobjooge.com