Sunday, July 13, 2025

Waa kuma Xildhibaanka kursigiisa loo xaqiijiyey inuu kusoo laabanayo Doorashada 2020/2012..?

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa shaaciyey in kursi ka mida Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto K/Galbeed loo gaar yeelay, dibna loogu dooran doono xildhibaanka hadda ku fadhiya.

Xildhibaanka loo xaqiijiyey inuu ka mid yahay Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka ayaa ah Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ku dhaawacmay Qarax culus oo loogu xiray gaarigiisa, kaasoo 15-kii September 2018 ka dhacay Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada, Waxaana xildhibaankan uu kasoo kabtay dhaawacaasi isagoo ku waayey gacan.

Madaxweynaha K/Galbeed oo xalay ka hadlyey kulan is cafin ah oo xildhibaanada Beesha Digil & Mirifle uu ku casuumay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku adkeystay inaan loo dhowaan kadib kursiga xildhibaan Boorow mar haddii uu u dhaawacmay, isla markaana uu yahay nin da’ ah.

Xildhibaannada kale ayuu u balanqaaday inay mushaarkooda qaadan doonaan inta laga dhaarinayo Baarlamaanka cusub, kuwiis oo laaban waayana ay soo dhoweyn doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON