Guddi ka kooban Madaxdii hore ee Somaliland, Odayaal iyo Ganacsato ayaa ku baxay khilaafka ka dhexa aloosan xukuumadda Somaliland ee Madaxeyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga Mucaaradka Wadani ee uu hoggaamiyo C/raxmaan Maxamed Cirro.
Guddigan oo iskood isu xilqaamay ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo xubnaha xisbigiisa, waxaana ku wehliyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe, waxaana guddiga horkacayey madaxwweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland, waxayn soo saareen qodobo hordhac ah oo ku saabsan wixii ka dhacay magaalada Hargeysa.
Guddiga iyo dhinaca ay la kulmeen ayaa isla qiray inay khalad ahayd tallaabadii xukuumaddu ku joojisay isu soo bixii uu ku baaqay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, iyo Ciidamada la wareegay xarunta guud ee xisbiga.
Waxaa kaloo la isla qaatay inay khalad ahayd xarigga ay xukuumaddu kula kacday masuuliyiinta xisbiga Waddani oo ay ka mid ahaayeen xoghayihii guud iyo afhayeenka xisbiga Wadani iyadoo loogu baaqay in si dedgeg loo sii daayo.