Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in waanwaantii lagu xalinayay khilaafka dhashay magacaabidda xukuumadda cusub uu meel gabagabo ah maraya.
Dadaalka xalinta khilaafkan waxaa ku dhex jiray xildhibaano odayaal iyo siyaasiyiin ka tirsan labada dhinac ee Guddoonka Baarlamaanka oo dhinac ah iyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dhinaca kale ah.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la isku afgartay in xukuumadda la horgeeyo Baarlamaanka si kalsoonida loo siiyo, isla markaana ay ballanqaad bixiyeen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha inay isbedel ku sameyn doonaan xukuumadda ay tixgelin doonaan talo soo jeedinta xildhibaanada.
Kulan arrintan lagu soo afjarayo ayaa maanta lagu wadaa in la isugu keeno Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo labadiisa ku xigeen iyo Madaxweyne Farmaajo oo uu weheliyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Goobjooge.com