Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweyne Geelle iyo wafdigiisa, wuxuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweynaha uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya garab istaago.
Madaxweyneyaasha ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada.





