Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tegay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Rooble oo lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi, ayaa qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha lagu shaaciyey in ujeedka booqashadan ay tahay mid lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mida: Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir, La-taliyaha Ra’iisal asaaraha Avv. Cuma Dhegey iyo mas’uuliyiin kale.
Waa booqashadii ugu horreyasy ee Rooble uu ku tago Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabay, waxeyna imaneysaa kadib markii uu sheegay inuu ka shaqeynayo hagaajinta xiriirka labada dal.
Rooble ayaa 7-dii Janaayo waxa uu dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.



