Wadahadalladii dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee ku saabsanaa sidii heshiis looga gaari lahaa biyo xireenka weyn ee Renaissance Dam ayaa fashilmay oo lagu kala tegay, kadib markii wax heshiis ah lagu gaari waayey.
Wareegii afraad ee wadahadalka saddexda dowladood oo ahaa dadaal cusub oo ay soo faragelisay dowladda Mareykanka ayaa burburay, sida uu shaaciyey wasiirka Biyaha ee dalka Itoobiya Seleshi Bekele oo caddeeyay in Itoobiya aysan aqbali karin shuruudaha ay la timid dowladda Masar.
Wasiirka Biyaha Itoobiya wuxuu sheegay in Masar ay la timid shuruud cusub oo ah in Biyo-xireenka lagu buuxiyo muddo 7 ilaa 21 sano ah, taasoo ay Itoobiya ka biyo diiday, waxayna Itoobiya wadataa qorsha ay biyo xireenka ku buuxineyso 4 ilaa 7 sano ah, iyadoo howshaasina bilaabi doonta Bisha July 2020-ka.
Biyo xireenka weyn ee Renaissance ayaa waxaa ku baxay qarash dhan 5 Bilyan oo Doolar, waxayna Masar ka cabsi qabtaa in Biyo xireenkaasi si weyn u yareeyo qulqulka biyaha webiga Nile ee dalkeeda ku tiirsan yahay.
“While there have been significant progress during the two days of meeting, there have been a few differences and final agreement could not be reached,” he said.
Wasiirka Biyaha Masar Maxamed Cabdul-caty ayaa ku gaabsaday in arrimaha laga wadahadlay ay ahaayeen kuwo cad laakiin aan wax heshiis ah la gaarin.