Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa wadahadallo rasmi ah uga bilowdeen caasimadda Eritrea ee Asmara, kadib markii booqasho rasmi ah ku tegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Labada dhinac ayaa ka hadli doona sidii loo soo celin lahaa xiriirkii labada dal iyo iskaashi dhex mara kadib muddo 20 sano ah oo Eritrea ay taageereysay kooxaha ku kacsan dowladda Federaalka, halka Itoobiya oo ay col ahaayeen ay taageersaneyd dowladda Federaalka Soomaaliya.
Eritrea ayay muhiim u tahay heshiis ay la gasho Soomaaliya iyo inay aqoonsato dowladda Federaalka, si looga qaado cunaqabteynta hubka ee saaran dalkaasi markii lagu eedeeyay inuu taageero Alshabaab.
Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Wasiiro, la-taliyeyaal iyo xildhibaanno waxay magaalada Asmara joogi doonaan muddo saddex maalmood ah, iyagoo booqan doona gobollo kala duwan iyo mashaariic, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee labada dhinac ka heshiin doonaan ugu horeeya oo celinta xiriirka diblomaasi iyo inay Soomaaliya ku biirto dadaalka lagu doonayo in cunaqabateynta Q/Midoobay looga qaado Eritrea.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO CUSUB