Friday, July 11, 2025

Waddooyinka Muqdisho oo maalintii labaad xiran oo Ciriiri soo wajahay nolol maalmeedka Dadweynaha

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad xiran iyadoo ciidamo fara badan ay ku sugan yihiin, kuwaasoo diiday isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey wadooyinka la xiray oo saaka la  sii xoojiyey markii wadooyinka xiran intooda badan loo diiday inay maraan dadka lugeynaya, iyadoo lasii xoojiyey xaalada amniga.

Arrintan ayaa la sheegay inayugu wacan tahay shirka beesha caalamka iyo madaxda Soomaalid uga socda magaalada Muqdisho oo lagu wado in shir labaad uu maanta ka furmo degaanka Xalane ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waddooyinka xiran ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga, isu socodka iyo noloshii magaalada oo noqotay mid cakiran, waxaana guryahooda ku qasbanaaday inay joogaan shaqaale iyo arday fara badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON