Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA aya gebi ahaan xirtay wado hormarta Xarunteeda weyn ee degmada Shibis oo loo yaqaan Habar-Khadiijo.
Wadadda laamiga ah ee Balcad ee ka bilaabata KM 0 ama (FIAT) ee tagta Beyxaani ayaa lagu xiray Albaab iyadoo loo yeelay Ganjeel kaliya laga furo ciddii loogu talogalay, waxaana laga xiray agagaarka hotelka Dorbin oo u dhow Isgoyska KM 0, taasoo ay ugu wacan tahay arrimo amni.
Dadweynaha ayaa loo diiday inay goobtaasi maraan waxayna dadka degan xaafadaha Beyxani iyo Shibis hoose ku qasban yihiin inay ka soo wareegaan Garoonka Stadio Koonis marka ay rabaan magaalada.
Jidkan oo in muddo ah si weyn loo ilaalin jiray ayaa waxaa isticmaali jiray gadiidka la yaqaan iyo kuwa madaxda dowladda, waxaana isticmaali jiray dadweynaha lugeynaya, laakiin hadda waxaa muuqata inuu noqday goob xiran oo albaab loo yeelay.
Wadooyinka xiran ayaa si weyn loogu eedeyn jiray dowladii hore uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh, laakiin waxay isu bedeshay mid la iska dhaxlo oo dowladda Farmaajo ay sii xoojisay.