Monday, June 23, 2025

Wadooyinka gala Madaxtooyada oo la jaray iyo Ciidamo la dhigay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay gashay xaalad cusub oo Milateri, kadib markii uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu xarunta Madaxtooyada ku gooyey ciidamo.

Waxaa saaka laga war helay iyadoo Carro iyo dhaxgaan lagu jarayo wadooyinka laga galo Madaxtooyada sida Isgoyska Dabka, halka Jidka SYL ee Ceelgaabta la digay ciidamo hubeysan, waxaa sidoo kale ciidamo wata beebeyaal la dhigay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu amray in Ra’iisal wasaaare Rooble loo diido xafiiskiisa, dibna looga celiyo Madaxtooyada, waxaana ciidamo fara badan lagu dhex arkay Madaxtooyada dhexdeeda.

Ad

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla ayaa xaalada ka socota madaxtooyada ku tilmaamay Afgembi aan guuleysan doonin, isagoo yiri: “Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo. RW Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON