Wadooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho ayaa maanta xiran iyadoo la filayo inuu magaalada ka dhaco bannaanbixii ugu weynaa ee loogu baroordiiqayo dadkii lagu xasuuqay Qarixii Km 5.
Wadooyinka magaalada sida wadada Maka Al-mukarama, Wadnaha iyo wadooyinka soo gala ayaa la xiray waxaana ku sugan ciidamo fara badan oo ammaanka sugaya, waxaana la arkayaa dadweyne fara badan oo lugeynaya.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa shalay ku baaqay isu soo bax weyn oo tacsi ah, kaasoo loogu duceynayo dadkii dhimashada iyo Dhaawaca kasoo gaaray Qaraxii Magaalaada Muqdisho.
Bannanbaxa oo la qorsheeyay inuu galabnimada dhaco ayaan la ogeyn waxa iska bedeli doona, iyadoo guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ay diyaariyeen dad abaabulan oo bannaanbaxyada hor kaca.
Baroordiiqdii saddexda maalmood ahayd ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay ku dhammaatay, lakiiin waxaa muuqata inay weli sii socoto oo Gobolka banadir uu maalin kale ku daray.
Dhinaca kale Gobollada dalka ayaa intooda badan laga soo calaamadeeyay inay ka dhici doonaan isu soo baxday oo lagu cambaareyn doono kooxda Alshabaab oo la sheegay inay ka danbeysay weerarka lagu xasuuqay dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah oo meel qura lagu dilo.