Monday, July 14, 2025

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo Caawa la xiray & Ciidamo fara badan oo la dhigay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo fara badan caawa la soo dhoobay wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho iyadoo la xiray qaar ka mida wadooyinka caasimadda.

Wadadda muhiimka ah ee Maka Almukarama ayaa la xiray iyadoo loo diidayo gaadiidka shacabka, waxaana sidoo kale xiran wadooyinka soo gala wadaddaasi, iyadoo lagu arkayo ciidamo ilaalo ka haya wadooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in wadooyinka magaalada Muqdisho loo xiray munaasabadda xuska 26-ka June oo ah markii ay xoriyadda qaateen Gobollada Waqooyi, isla markaana Calan xor ah laga taagyt dhul Soomaaliyeed.

Xuska calan-saarka oo caawa saqda dhexe ka dhici doona xarunta Gobolka Banadir ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, taasoo keentay inay si weyn loo adkeeyo amniga magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON