Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday Hay’adda Gargaarka boqor Salmaanka Sucuudiga, iyagoo wada mashruuc gargaar oo ay ka fuliyaan Soomaaliya.
Waxaa wafdiga soo dhoweeyay sii-hayaha Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aaddanimada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane, waxaana Madaxa wafdiga ka socda Hay’adda Gargaarka Boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga hoggaamineyay Maxamed Deyma
Madaxa wafdiga ayaa saxaafadda u sheegay in ujeeddada wafdiga Sacuudiga uu yahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrinaha bani’aaddanimada, gaar ahaan afurinta dadka danyarta ah maddaama ay soo dhowdahay bilashada bisha fadliga iyo kheyrka badan ee Ramadan.
Ku-simaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo arrimaha Bani’aaddanimada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wafdigan ka socda dalka Sucuudiga ay dalka u yimaadeen sidii ay wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bani’aaddanimada ugala shaqeyn lahaayeen howlaha lagu caawinayo ummadda Soomaaliyeed.
Imaatinka wafdigan ka socda hey’adda gargaarka boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan howlo loogu gurmanayo dadka ku barakacay fatahaadda wabiyada ee ku kala nool deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraaniyo Gedo, iyadoo waliba ay maalmo yar ka dhimantahay bilashada bisha barakeysan ee Ramadanka