Wednesday, June 25, 2025

Wafdi ka socda IGAD oo si lama filaan ah u tegay Beledweyne & Culeys la saaray Ugaas Xasan

Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka IGAD Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta socdaalkoodii labaad ku tegay magaalada Beledweyne

ee xarunta Gobolka Hiiraan iyagoo wadahadal la yeeshay Duubabka Dhaqanka gobolkaasi.

IGAD oo dhowaan la wareegtay arrinta maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa hore ugu sheegtay odayaasha Hiiraan inaysan dib ugu soo laaban doonin Beledweyne, laakiin waxaa muuqata in isbedel ku yimid arrintan.

Wadahadalka labada dhinac ayaa markan wax war ah laga soo saarin, waxaaana bilowday kulamo adag oo la doonayo in lagu soo debciyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo fikrado xagjir aaminsan, isal markaana ay IGAD ku cadaadineyso inay ogoleysiiyo ka qeyb galka shirka labada gobol loogu sameynayo maamulka.

IGAD ayaa ujeedkeedu yahay in maamulka labada gobol la dhiso ka hor doorashooyinka dalka ka dhacaya aakhirka sanadan oo aan muddo badan ka harin, waxayna ku adkeysaneysaa in wixii la isku hayo  ay ka wadahadlaan odayaasha iyo bulshada labada gobol.

Dhinaca Ugaas Xasan iyo Odayaasha taageersan ayaa doonaya inay helaan awood dheeraad ah oo gobolka Hiiraan uu qaato 60% awood qeybsiga labada gobol iyadoo ku doodaya arrimo aan xilligan waxba laga qaban karin, taasoo keentay is mari waaga taagan.

Kulankii maanta oo haa kii ugu adkaa ee labada dhinac ayaa culeyska ugu weyn saaran yahay Ugaas Xasan iyo saaxiibadiis, waxaana la sheegay in wadahadalka labada dhinac sii socon doono inta dib loogu noqonayo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON