Friday, July 4, 2025

Wafdigii Aqalka Sare oo kulan la yeeshay Golaha Wasiirad K/Galbeed & Shariif Xasan oo ka maqnaa

Wafdigii Aqalka sare ee magaalada Baydhabo ku sugnaa ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo warbixin ka dhageystay golaha wasiirada.

Waxay labada dhinac ka wada hadleen arrimaha taagan, sida lagu xalin karo khilaafka dowladda Federaalka iyo maamula Goboleedyada, waxayna Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed u soo gudbiyeen wafdiga Aqalka Sare xog qoraaal ah oo ku aadan mowqifkooda, waxaana kulankaasi ka maqnaa madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxay kaloo wafdiga Aqalka sare ee Baydhaba tegay  la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, iyadoo ka wadahadlay arrimaha khilaafka ee jira waxayna  dhageysteen Wafdiga aragtida Guddoonka Baarlamaanka koonfur Galbeed.

Wafdigan ayaa ka mida xubnaha Aqalka Sare ee loo kala diray maamul Goboleedyada dalka, kuwaasoo ku baxay khilaafka ka dhex oogmay maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON