Wafdigii ka socday Golaha Aqalka sare ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbland.
Xubnaha soo dhoweyntooda ka qeyb galay waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Abdi Maxamed Abdirahman, xildhibaano ka tirsan Jubbaland iyo xubno ka socda bulshada rayidka magaalada Kismaayo.
Wafdiga Aqalka sare oo ka koobnaa 10 Xubnood ayaa magaalada Kismaayo u tegay xal u raadinta khilaafka ka dhex oogan dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana xubnaha gaaray Kismaayo hoggaamineyay hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi, inkastoo uu guddoomiye u ahaa Jen. C/llaahi Fartaag.
Soo dhoweynta diiran ee ay xubnaha Aqalka Sare ka helaan Baaralmaanka iyo bulshada Kismaayo ayaa dhinaca kale waxaan goobta lagu arag xubnaha xukuumadda Axmed Madoobe.